HomeWarkiiDowlada oo culeyska Amni isugu geysay doorashada Muqdisho ka dhaceysa xili Alshabaabna...

Dowlada oo culeyska Amni isugu geysay doorashada Muqdisho ka dhaceysa xili Alshabaabna culeys soo saareen Warsheekh

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa aad u soo kordhaya culeyska ka imaanaya kooxda Alshabaab oo mar kale isku dayaysa inay Gobolka Shabeelaha dhexe dhul cusub ka qabsadaan gaar ahaana waxay doonayaan inay jaraan wadada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho ,shabeelaha dhexe iyo Gal-gaduud.

Dowlada Somalia ayaa u muuqata inay kaliya xooga saartay sugida amniga doorashooyinka maalin kadib ka dhacaya Magaalada Muqdisho kaasoo lagu soo dooranayo Golaha deegaanka Muqdisho kadibna ay sii dooran doonaan maamulka Gobolka Banaadir.

Alshabaab waxay kaabiga ku soo hayaan oo ay doonayaan inay qabsadaan magaalada Warsheekh inkastoo aysan sahlaneyn ,gurmadkii Dowlada looga baahnaa sida ugu wanaagsan wali lagama hayo wasaarada Gaashaandhiga sida ay shacabka Gobolka soo warinayaan walow ciidamada Dowlada ay jiraan Gobolka meelo badan oo ka mid ah.

Waxaa aad macquul ah in qorshaha Kooxda uu yahay mid ku talo gal ah ay doonayan inay ka jaanis ka dhigtaan mashquulka Dowlada ee dhanka doorashooyinka si ay iyaguna intaasi dhul hor leh u sii qabsadaan.

Si kastaba Wasaarada Gaashaandhiga iyo Taliyayaasha ciidamada ee kala duwan wali shacabka uma aysan sharixin sida ay ka yeelayaan walaaca iyo dhiilada laga soo sheegayo Magaalada Warsheekh inkastoo ciidamada ku sugan ka hor tageen isku dayada kooxda Alshababaab inkastoo aan la ogeyn inta ay sii hortaagnaan karaan hadii asyan gurmad ka helin Muqdisho madaama kooxdu isaga yimaadeen tan iyo Gobolka Hiiraan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -