HomeWarkiiDowlada oo dib u dhigtay hirgelinta go’aankii hore ee ahaa in qof aan...

Dowlada oo dib u dhigtay hirgelinta go’aankii hore ee ahaa in qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka uusan safri karin gudaha dalka.

Dowlada Somalia ayaa waqti dheeraad ah ku dartay qaadashada Kaarka aqoonsiga Qaranka ee NIRRA wali si lacag la’aan ah.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda  ayaa war ay soo saartay waxay ku cadeysay inay dib u dhigeen hirgelinta go’aankii hore ee ahaa in qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka uusan safri karin gudaha dalka.
Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda  oo sidiisa u qoran:-
Wargelin Dadweyne
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo dhigay hirgelinta go’aankii hore ee ahaa in qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka uusan safri karin gudaha dalka.

War kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in go’aankaasi oo horey loogu qorsheeyay inuu dhaqan galo 1-da Janaayo 2026, dib loo dhigay, isla markaana uu hadda dhaqan geli doono 1-da Maarso 2026, si shacabka Soomaaliyeed loo siiyo waqti dheeri ah oo ay ku diyaarsadaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Hay’addu waxay mar kale ku boorrisay shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan muddadan dheeraadka ah, isla markaana ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ka hor taariikhda cusub ee loo asteeyay hirgelinta go’aankan.May be an image of ‎text that says "‎HAY'ADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADDA ä اجنسي رة النهج ادارة IMMIGRATION AND CITIZENSHIP AGENCY и WARGELLIN Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay horay shaacisay in laga bilaabo 1-da Janaayo 2026 dadka ku safraya gudaha dalka looga baahan yahay Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Hadaba, si loo siiyo shacabka waqti dheeri ah waxay Hay'addu dib u dhigtay hirgelinta go'aanki hore 1-da bishan Janaayo 2026, kaas oo hadda laga dhigay 1-da Maarso 2026. 超本究 P 54789211くくくぐ こくくくくくくく Icasomalia‎"‎
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -