HomeWarkiiDowlada oo faah-faahin ka bixisay howlgalkii Degmada Aadan Yabaal

Dowlada oo faah-faahin ka bixisay howlgalkii Degmada Aadan Yabaal

WARSAXAAFADEED
HAWLGAL LAGU BEEGSADEY KHAWAARIJTA OO KA DHACAY HIRSHABEELLE
Muqdisho – 20 Juun 2025: Ilaa 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, oo ay ku jiraan horjoogayaal, ayaa lagu dilay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada Caalamka kaas oo lagu beegsaday guri ku yaalla degmada Aadan Yabaal, oo Khawaarijtu u aheyd xarun istaraatiiji ah oo lagu uruuriyo saanadda ciidanka, sidoo kalena laga abaabulo maleeshiyaadkooda.
Intii uu socday howlgalkaas, waxaa sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal, hub farabadan iyo saanado kale oo muhiim u ahaa cadowga, iyadoo howlgalkaan uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.
Bartilmaameedka howlgalkaan waxaa qayb ka ahaa horjoogayaal si wayn loo daba socday kuwaas oo dhibaato badan u gaystay shacabka Soomaaliyeed, waxaana dib laga soo sheegi doonaa magacyadooda marka la xaqiijiyo.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka waxaa ka go’an ciribtirka cadowga Khawaarijta ah, iyadoo aysan jirin meel ay ku baxsan karaan horjoogayaasha ku naaxay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.
Dhammaad
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -