Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud meel u dhaw deegaanka Camaara ayay Dowlada Soomaaliya guul ka sheegatay.
Dagaalkaan ayaa yimid markii Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qabsadeen deegaanka Gaadaay oo dhaca bariga deegaanka Camaara.
Advertisement
Ciidamada ayaa u gudbay dhanka Shabeeloow oo fariisin ay ku leeyiin Al-shabaab halkaasoo la isku fara saaray.
War ka soo baxay saraakiisha hogaanka Ciidamada ayaa lagu sheegay inay shabeelood ku dileen 25 Alshabaab ah ,sidaas oo kalana ay gaadiid dagaal kaga gubeen Alshabaab.
Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen inay u sii gudbeen labada deegaan ee kala ah Kuridhi iyo Qorileey halkaasoo ay Alshabaabku ku sugan yihiin walow aysan faahfaahin ka soo saarin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM