Saraakiil u hadashay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa guulo ka sheegtay  dagaal ay maanta aaga Mudug kula galeen Alshabaab.

Dagaalkaan oo ka dahacay deegaanka Shabeeloow ee howdka  Gobolka Mudug ayaa yimid markii ciidamada is garabanaya ay dhinacyo kala duwan mar kaliya ka weerareen dagaalamayaasha Alshabaab.

Advertisement

Saraakiisha ciidamada horkaceysay ayaa warbaahinta Dowlada waxay u sheegeen in dagaalkii saaka ay Alshabab ugu tageen godad ay dhufeysyo ka dhigteen halkaasina ay cashar ugu dhigeen.

“caddowga khasaare xooggan ayaan gaarsiinay markaan ugu daadanay godadkii ay ku jiree n”ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidamada

Sarkaalkaan wuxuu sidoo kale sheegay in Galabta ay weerar kale oo rogaal celisa ay ku qaadeen isla Alshabaabka ku sugan howdka Shabeelood halkaasoo ay mar kale ay dhibaato ku gaarsioiyeen sida uu sheegay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleAl-shabaab-ka isa soo dhiibaya oo ku soo batay Dhulka Maamulka Koonfur Galbeed
Next articleGudoomiyihii Aqalka Wakiilada Maraykanka oo xilka laga qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here