MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida ay xaqiijiyeen Xildhibaanada mucaaradka ku ah Dowlada ee la safan siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa ka hor istagay kulan ay maanta ku yeelan lahayeen Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Jaziira kasoo ay kaga hadli lahaayeen qodono ka dhan ah Dowlada.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Taliska Booliiska Gobolka Banaadir uu si rasmi ah ugu amray milkiilayaasha Hoteelka Jaziira inaan hoteelkooda lagu qaban karin shirka xildhibaanada mucaaradka ee la baxay Baarlamaanka xorta ah inkastoo qaar xildhibaanada ka mid ah raja ka muujinayaan qabsoomida shirkooda.
Xili kasta marka la soo gaaro dhamaadka muda xileedka waxaa ad u soo bata shirarka mucaaeradka iyo cadaadiska Dowlada taasoo marar qaar is rasaaasseyn keeni karta gaar ahan marka uu dhamaado muda xileedka islamarkaana Dowladu isku deydo ama sameyso mudo kororsi sida dhacday Dowladii hore ee Farmaajo oo la xasuusto iyadoo Ramadaan ah in ku dhawaad 12 saacadood xabasu socotay islamarkaana shacabku ka barakaceen xaafado badan taasoo ugu danbeyn Dowlada ku qasabtay inay tanaasusho.
XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

