Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa u gudbiyey guddiga doorashooyinka in jadwal cusub loo sameeyo doorashooyinka dowlad gobaleedyada ilaa tan Federaalka.
Waxaana jadwalka laga dhigay.
1- Doorashada Koonfur Galbeed, 10-ka May waxaa la qabanayaa Golaha Wakiilada iyo deegaanka K/Galbeed.
2- 25 May Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la dooranayaa “iyadoo tartan la’aan Aaden Madoobe lasoo saarayo”.
Galmudug/HIRSHABEELLE!.
1- 31-May xildhibaanada 2 dowlad gobaleed ayaa la dooranayaa ilaa golaha Deegaanka.
2- 17-ka June ayaa madaxweynaha Hirshabelle la dooranayaa, halka 25-ka June la dooranayo MW Galmudug.
3- 5ta July, Gobalada Gedo iyo Sool ayaa laga qabanayaa doorashooyinka
degmooyinka, iyadoo Kiiska Gedo xaalad xasaasi ah ka taagan tahay.
Doorashada Federaalka!
Bilowga August ilaa November ayaa la dooranayaa xildhibaanada baarlamaanka 12-aad iyo Senatorada ayaa hanaan doorasho Toos ah lagu dooranayaa, halka 22 December 2026 Madaxweynaha Federaalka loo codeynayo.
XIGASHO WARIYE
Faarax C/qaadir Geylan
