HomeWarkiiDowlada Iiran oo ka digtay jawaabta degdeg ah oo ay ka bixin...

Dowlada Iiran oo ka digtay jawaabta degdeg ah oo ay ka bixin karaan hadii Marekanku weeraro

TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Iran ay diyaar u yihiin in ay “si degdeg ah oo awood leh” uga jawaabaan weerar kasta oo suurtagal ah oo uga yimaada Mareykanka.

Digniintan ayaa timid saacado kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku celiyay hanjabaad ah in uu qaadi doono tallaabo militari oo ka dhan ah dalkaas.

Markabka USS Abraham Lincoln, oo ah xambaara diyaaradaha ku shaqeeya Nukliyeerka, ayaa ka mid ah hanti dhowr ah oo uu Mareykanku geeyay badda Carabta maalmihii u dambeeyay.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa cunaqabatayn cusub ku soo rogay Iran, kuwaas oo ku lug leh xayiraad dhanka socdaalka ah iyo xannibaadda hantida saraakiisha Iran oo ay u malaynayaan inay mas’uul ka yihiin dilka kumannaan dibad-baxayaal ah oo ka soo horjeeda dowladda Iran tan iyo dabayaaqadii bishii December ee sannadkii hore.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay si buuxda ugu diyaar garoobeen inay ka jawaabaan xaalad kasta oo milateri, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA.

Isagoo soo xiganaya afhayeenka IRGC Brigadier General Ali Mohammad Naeini, IRNA ayaa soo warisay Khamiista in qorshayaal hawleed faahfaahsan ay diyaar yihiin si looga hortago waxa Tehraan ay ku tilmaantay dhaqdhaqaaqyo cadawtinimo ah oo ay qaadayaan cadawgeedu, oo ay ku jiraan tallaabo milatari oo suurtagal ah.

Naeini ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu dagaal nafsi ah ku qaaday Iran maalmihii la soo dhaafay, isagoo sheegay in Washington ay ku tiirsan tahay jujuub iyo cabsi gelin si ay cabsi ugu faafiso shacabka Iran.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COMGeneral Naeini: Assassination of Haniyeh Was a Component of a Coordinated Operation - WANA

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -