Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa fuliyey howlgal qorsheysan oo lagaga hortagay dhagarta kooxaha khawaarijta.
Howlgalka ayaa laga fuliyey tuulada Dabagaab oo hoostagta Degmada Raaga-ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Ujeedada howlgalka ayaa ahayd xaqiijinta amniga iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyada cadawga ee halkaasi ka jiray.
Taliyaha Guutada 19-aad ee Kumaandooska XDS Gorgor, G/dhexe Abubakar Xasan Galmadoobe, ayaa sheegay in howlgalka uu si guul leh u dhacay, islamarkaana ciidamadu ay sii wadi doonaan dadaallada lagu sugayo amniga guud ee deegaannada ay ka howlgalaan.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in ciidamadu ay feejignaan buuxda ku hayaan dhaq-dhaqaaq kasta oo khatar gelin kara nabadgelyada shacabka.






