Muqdisho (dayniiile.com)-Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulan waxay ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa shirka maanta shir guddoominayay waxaana looga hadlaayay diyaar garowga xukuumadda ee shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada ee COP-28.
Shirkaasi wuxuu ka qabsoomi doonaa hadii Alle idmo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Waxaa sidoo kale shirka looga hadlay sidii Soomaaliya shirkaas ula tagi lahayd qorshe cad oo wax looga qabanayo dhibaatada uu dalkeenna ku sababayo isbeddelka cimilladda adduunka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
DAYNIIILE.COM








