WAR-SAXAAFADEED
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda qaran kana duuleysa qorshe-howleedka arrimaha Xajka ee ay u dejisay Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxay la socodsiineysaa dhammaan xujeyda Soomaaliyeed ee doonaysa inay soo gutaan rukniga Xajka sanadka 1447H/2026, in la bilaabay hirgelinta iyo fulinta jadwalka shaqo ee arrimaha Xajka.







