Muqdisho (dayniiile.com)-Guddiga adeegga Xajka ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumada Soomaaliya ayaa ugu danbeyn maanta galinka danbe ku dhawaaqay natiijada tartan ay u qabteen shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya marka la eego shirkadii la siin lahaa qandaraaska daabulida xujeyda sanadka soo socda insha Allaah.

Sida Gudigu sheegay ilaa 7 shirkadood ayay u qabteen tartanka oo socday 14 maalin, waxaana ugu danbeyn guuleysatay shirkada Daallo Airlines oo caan ka ah Soomaaliya.

Advertisement

inkastoo ay wada dadaaleen sjhirkadaha sida ay masuuliyiinta Wasaaradu sheegeen hadana ugu danbeyn waxay Daallo Airlines ay ku xusheen inay noqotay shirkadii ugu dadalka badneyd daabulida xujeyda xajkii la soo dhaafay,

Waxaa si gaar ah loogu amaaanay inay Daallo Airlines  ahayd shirkadii ugu raqiisneyd xajkii hore marka loo eego dhaman shirkadihii kale ee shaqeynayay.

Sidoo kale waxyaabaha lagu xushay Daallo Airlines ayaa lagu sheegay kadib markii ay maanta shirkadu soo bandhigtay diyaarad cusub oo ay ku soo kordhisay kuwii hore ay u lahayd.

Xajka soo socda Insha Allaah waxaa qandaraaska xujeyda lagu wareejiyay Daallo Airlines oo kaliya sida ay cadeysay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Xujkuumada Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here