MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Agaasimihii hore ee Hay’adda socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale Koofi hadana ah Xog-hayaha guud ee Madasha Samatabixinta Mucaaradka Dowlada ayaa ka hadlay xiisad ka soo cusboonaatay suuqa Siinaay oo dhawaan ay la wareegtay Dowlada Somalia markii laga saaray dadkii ganacsiga ku lahaa.
Koofi oo qoraal soo geliyay barihiisa bulshada ayaa shaaciyay in hada uu ku soo kordhay suuqa Siinaay boob iyo xad-gudub uu ku eedeeyay inay Dowladu ka bilowday suuqa siinaay ee Magaalada Muqdisho.
“Waxaan cambaaraynayaa Boobka iyo Xadgudubyada kale ee dib uga billaamay Suuqa Siinaay” ayuu yiri Maxamed Koofi oo ka mid ah Madasha mucaaradka
“Waxaan maqlayaa in dad shacab ah oo si nabad ah xaqooda ugu doodaya loo adeegsaday hub iyo awood” ayuu mar kale yiri Koofi
Masuulkaani ma sheegin hay’ad gaar ah oo ka danbeysa eedeynta uu u jeediyay Dowlada Faderaalka Soomaaliya gaar ahaan saraakiisha hogaamineya boobka iyo handadaada hada soo kordhay.
‘
‘
XAFIIASKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
