MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa gabi ahaanba maanta la burburiyay dhismaha Garoonklii kubada cagta Minishiibiyo ee Degmada Warta-Nabad ee Magaalada Muqdisho,waxaana ka danbeeya oo la wareegtay garoonkaasi walow sidii caadiga ahayd loo maleynayo in Ganacsato laga iibiyay.
Garoonka Minishiibiyo oo ku yaala Xaafada Xararyaale waxaa xisaabsanayay kooxda kubada cagta heerka 1-aad Muqdisho MCC ,sidoo kale waxaa garoonka suabx kasa aroorta hore ku aalmiiteyn jirey dhalinyaro iyo odayaal intaba si ay dhidid isaga kenaan caafimaad ahaana jirkooda ugu dhistaan.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya wax garad iyo dadka isboortiga u dhaw ee Degmada Warta-Nabad inay isku dayeen inay garoonka bad-badiyaan balse ay ku guul dareysteen oo laga diiday.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
