HomeWarkiiDowlada oo maanta ciidamo u daabuleysa Balad-xaawo iyo xili Xiisad dagaal ay...

Dowlada oo maanta ciidamo u daabuleysa Balad-xaawo iyo xili Xiisad dagaal ay ka taagan tahay

BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya inuu halkaasi ka jiro xiisad colaadeed oo ka dhex taagan ciidamada Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubaland.

Xiisadaan ayaa salka ku heysa gacan ku heynta Magaalada Balad-xaawo oo hada inta badan gacanta ugu jirta Dowlada Somlia,Magaaladaasi waxaa laga soo sheegayaa in labada dhinac ay fariisimo cusub sameysanayaan gaar ahaan kuwa maamulka Jubaland oo Magaalada ka soo galay dhanka xuduuda Kenya iyo Magaalada Madera.

Ciidamada Dowlada oo ogaaday in kuwa Jubaland ku soo siqayaan sida wararka ugu dambeeya sheegayaan ayaa iyaguna bilaabay dhaq dhaqaaqyo ay kaga hortagayaan kuwa Maamulka Jubaland.

Warar ku dhaw dhaw Dowlada ayaa sheegaya in maanta ciidamo dheeraad ah Dowladu diyaarado ku daabuli doonto kuwaasoo laga qaadi doono Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyadoo laga dejin doono Magaalada Balad-xaawo si loogu xoojiyo ciidamada Dowlada ee hada inta badan gacanta ku haya Balad-xaawo.

Madaxweyne xigeenka Maamulka Jubaland Maxamud Sayid Aadan oo asal ahaa reer Geddo ah ayaa dhanka Mandera ka soo galay Somalia wuxuuna hada ciidamo ku heysta inta u dhexeysa Balad-xaawo iyo Madera.

Si kastaba waxaa laga cabsi qabaa in labada dhinac isku dhacaan madaama ay soo kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac taasoo keeni karta isku dhacyo hubeysan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -