DOOLOOW (DAYNIILE.COM)-Warar hoose ayaa sheegaya in wasaarada duulista hawada Dowlada Somalia ay mar kale joojisay diyaaradaha rakaabka ee Magaalada Dooloow ee gobolka Gedo.
Wararka hoose waxay intaasi ku darayaan in Dowladu warqad rasmi ah ka soo saarin balse ay shirkada ku amartay inay joojiyaan rakaabka ay geeyaan ama ka soo qaadaan Magaalada Dooloow.
Ujeedka lama oga inuu daba socdo khilaafkii hore uga dhex taagnaa Faderaalka iyo Maamulka Jubland iyo arimo kale ay jiraam intaba,dhanka kale go’aankaan wuxuu ku soo aadayaa xili shalay warbahintu hadal heysay in ciidamada Jubaland xireen shaqadii gaoonka doolow sababo ku aadan is heysadka iyaga iyo Dowlada.
Bilo ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale Dowladu u joojisay shaqada garoonkaasi inkastoo markii danbe baahida bulshada oo badatay gaar ahaan dhanka caafimaadka hadana dowladu u furtay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
