Muqdisho (dayniiile.com)-Masuuliyiin  dowlada ka tirsan ayaa hore u muujiyay rajada ah in dhagxaanta  amni ahaanta loo dhigay laamiyada  Muqdisho laga qaadi doono.

Ra’iisulwasaare Xamze Cabdi Barre ayaa mar uu ka hadlayay saameynta roobabka ee laamiyada Muqdisho ayuu soo hadal qaaday dhagxaanta laamiyada ay Dowladu dhigtay amni ahaan darteed.

Advertisement

Ra’iisulwasaaraha oo Maamulka Gobolka Banaadir amrayay inay wax ka qabtaan daadadka laamiyada ku soo rogmaday ayaa dhanka kale xusay in Maamulku Gobolka u howlgalo sidii dhagxaanta looga qaadi lahaa laamiyada Xamar.

“madaama amnigu soo hagaagay maamulka Gobolka waxaan leenahay halaga shaqeeyo sidii dhagxaanta looga qaadi lahaa laamiyada”ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamze Cabdi Barre.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleEedeysanayaal hore loo xukumay oo maanta hor tagay Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir
Next articleCiidamada Burundi iyo Milatariga Shabeelaha dhexe oo ku heshiiyay inay weeraraan Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here