Muqdisho 26, April, 2025: Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay aqoon isweydaarsi ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee tabinta doorashooyinka dalka oo ay ka qeyb galayaan 25 wariyaal ah oo ka kala socda Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo Warbaahinta Qaranka.Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo aqoon isweydaarsiga furay ayaa sheegay in ahmiyaddu ay tahay kor u qaadista doorka Warbaahinta ee tabinta doorashooyinka, iyadoo marwalba saxaafaddu tabintooda ku dhisaysa kalsoonida dadweynaha, sugnaanta, daahfurnaanta iyo u sinnaanta dhinacyada doorashada.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa kula dardaarmay Wariyaasha ka qeyb galaya tababarkan iyo guud ahaan Warbaahinta in ay saaran tahay mas’uuliyad la xiriirta jiheynta dadweynaha iyo ilaalinta dhismaha nabadda marwalba, gaar ahaan xilligani oo lagu jiro marxalad dowladdu gacanna kula dagaalayso khawaarijta, gacanna ku gudanaysa waajibka ka saaran in dadweynahu doortaan cidda maamulaysa.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sharaxay ujeedada tababarkan oo Wasaaradda Warfaafinta uu ka taageeray xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in diiradda la saarayo xoojinta Anshaxa Warbaahinta ee tabinta doorashooyinka dalka.
Tababarkan ayaa soconaya laba maalmood waxaana uu diiradda saarayaa xoojinta fahamka Warbaahinta ee kaalintooda baahinta doorashooyinka iyadoo ay bixinayaan khubarro ku xeeldheer saxaafadda.















