Warsaxaafadeedka maanta ka soo baxay Dowlada Somalia gaar ahaana Xukuumada oo aan idin soo gudbinay ayaa waxaa ku jirey ereyo culu oo Wasaarada Warfaafintu adeegsatay kuwaasoo gaarsiiyay sheekaada ilaa iyo heer dagaal.
Dowladu waxay qoraalkeeda ku cadeysay hadii aaney Puntland soo deyn markabka inay ku weerari doonto Dekada Booaaso.
“Dowladda Federaalka, oo ah ilaaliyaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marnaba ma aqbali doonto tallaabo kasta oo halis gelinaysa madax-bannaanida qaranka iyo amniga badda”ayaa lagu yiri warka Dowlada ka soo baxay
“Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah”ayaa mar kale lagu yiri warka Dowlada
Si kastaba Dowlada ayaa xustay talaabada ay qaadi doono ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya, daqiiqadaha soo aadan waxaa lagu wadaa in Puntland uu u hadlay .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

