Waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uu qorsheynayo shir uu rabo inuu ka hor geeyo mid dhawaan Mucaaraadku ku qabsan rabaan Magaalada Kismaayo xili labada shirba isku qaab cinwaan looga wada dhigi rabo taasoo ah shirka gogol wada hadal oo Soomaaliyeed xili dalku sii galaayo kala guur siyaasadeed.
Madaama mucaaradka ay martigelinta leeyihiin Maamulka Jubaland shirkaana warar hoose waxay sheegayan in Madaxweyne Xassan oo hoosta ka wada howshaan uu rabo inuu magaca martigelinta shirka uu qaato mid ka mid ah maamul Goboleedyada Dowlada la socda sida Galmudug,Koofur-galbeed iyo Hirshbelle inkastoo aan wali la ogeyn ma dhuusa-mareeb ayay noqon doontaa, ma Jowhar mise Baydhaba.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale ay shirkaani ka soo qeygeli doonaan oo ay waliba qaban qaabada wax ka wadaan siyaasiyiinta xilalka sare dalka ka soo qabtay ee hada la socda Madaxweyne Xassan sida Cumar C/rashiid,Shariif Xasan, Maaxamed Mursal iyo Cali Geedi.
Labada shir ayaa lagu wadaa in la isku soo aadin doono iyadoo kooxna Kismaayo u safri doonaan Kismaayo halka kooxda kalan ay u safri doonaan sedexdaan magaalo midkood dhuusa-mareeb,Jowhar mise Baydhaba.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
