HomeWarkiiDowlada oo soo bandhigtay magacyada saraakiishii alshabaab ee lagu dilay Deegaanka Bariire.

Dowlada oo soo bandhigtay magacyada saraakiishii alshabaab ee lagu dilay Deegaanka Bariire.

War ka soo baxay Dowlada Somalia ayaa soo bandhigtay magacyada saraakiishii Alshabaab ee lagu dilay Deegaanka Bariire kadib markii sida dowladu dhawaan sheegtay in dagaalkaasi lagu dilay 120 alshabaab ahaa oo isugu jira dagaal-yahano iyo saraakiil.

Saraakiisha Dagaalka lagu diley waxaa ka mid ah Xassan Malaay oo ahaa sarkaalkii ugu qaabilsanaa jugta culus ee deegaanka Bariire.

Sidoo kale waxaa ka mid ah Muxsin oo ahaa sarkaal qaabilsanaa Unug dhanka qaraxyada ugu qaabilsanaa deegaanka Bariire.

Sayid Cali Maadeey (Goonka) ayaa sidoo kale ka mid ahaa saraakiisha ay Dowladu shaacisay in lagu dilay dagaalkii Bariire wuxuuna u qaabislanaa qaraxyada Degmada Awdheegle iyo deegaanada hoos taga ee dhanka wabiga ku teedsan.

Sidoo kale Jaamac ayaa ka mid ahaa saraakiisha la dilay wuxuuna Alshabaab ugu qaabilsanaa qorsheynta gaadiidka qaraxyada ay u adeegsadaan.

Sidoo kale waxay Dowladu sheegtay in dagaalka Bariire lagu dilay Sarkaal sare oo magaciisa lagu soo koobay Saabir kaasoo hor jooge u ahaa 400 ciidamo ah.

Waxaa kale oo ay Dowladu shaacisay in saraakiisha la dilay uu ka mid ahaa Khaalid Booroow oo qaabilsana qaraxyada Agooye iyo Wala-weyn.

Warbixinta Dowlada ay ku soo bandhigtay magacyada saraakiisha Alshabaab looga dilay Bariire waxay ku soo gabagabeysay in xididada loo siibay Alshabaab-kii ku sugnaa Deegaanka Bariire ee Goboka Shabeelaha hoose.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMNo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -