HomeWarkiiDowlada oo soo bandhigtay Meydadka iyo hubkii Alshabaab looga qabsaday dagaalkii Ceeldheer+SAWIRRO

Dowlada oo soo bandhigtay Meydadka iyo hubkii Alshabaab looga qabsaday dagaalkii Ceeldheer+SAWIRRO

CEEL-DHEER (DAYNIILE.COM)-Milateriga Somalia ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigay khasaaraha Alshabaab ka soo gaaray dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay Magaalada Ceeldheer ee bariga Gobolka Gal-gaduud halkaasoo saacado badan shalay la isku fara saaray xili alshabaab weerar qaraxyo ku bilowday soo qaadeen.

Taliyaha qaybta 21-aad Korneyl Maxamed Dhagawayne, Taliyaha qaybta 1-aad Saahid Jaamac Jareere iyo saraakiil kale ayaa saxaafada tusay hub alshabaab laga qabsaday,maxaabiis iyo meydad intaba.

Qoryaha Alshabaab laga qabsaday sida sawirka aad ku arki kartaan waxay isugu jiraan qoryaha nuuca loo yaqaan PKM-ka ama daba miishaaro ,AK 47 iyo gantaalada garbaha laga rido ee Soomaalidu u taqaan baasuukayaal inkastoo aysan badneyn tirada la soo bandhigay.

Shalay ayay ahayd markii Dagaal saacado socday uu ka dhacay agaalada Ceel-dheer iyadoo saraakiil iyo ciidamo dhanka Dowlada ay kaga dhinteen dagaalka,Saraakiisha Milateriga tira sugan kama soo gudbin dhimashada dhankooda iyo dhanka Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of 10 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 3 people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -