Ciidamada Nabad sugida iyo Booliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay odayaal ku eedeysan inay hurinayeen dagaal beeleedyadii ka jiray qeybo ka mida Gobolka Shabeelaha dhexe.

Odayaashaan oo ka soo kala jeeda Beelaha isla dega Magaalo xeebeedka Caddalle ayaa la rumeysan yahay inay hub isugu dhiibeen dhalinyarada.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa si cad u sheegay inay ka soo muuqan doonaan Maxkamada Ciidamada qalabka sida.

“Waa lagula xisaabtamayaa cid kasta oo ka qeyb qaadata dagaal beeleedyada”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi sidoo kale wuxuu sheegay iyagana la soo qaban doono kuwa hurinaya Colaada Galgaduud.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleSomali lagu dilay Dalka Koonfur-Afrika
Next articleWasiirka arimaha gudaha oo sheegay inay ogaadeen in Alshabaab uu ka dambeeyo Dagaal Beeleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here