Muqdisho (dayniiile.com)-Dowlada faderaalka Soomaaliya ayaa tira koob cusub ka soo saartay dadka ilaa hada ku geeriyooday Roobabka iyo Fatahaadaha iyo sidoo kale barakaca heerku gaarsiisan yahay.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Daadadka iyo Fatahaadaha dadka ku geeriyooday ay xisaabtoodu marayso 96 Ruux guud ahaan.

Advertisement

Gudoomiye Maxamuud Macalin wuxuu si gaar ah u xusay in 28 kamid ah ay ku dhinteen Doon la qalibantay.

“doonta ayaa gadoontay markii kooxda  Khawaarijtu u diideen meel ay ka baxaan”ayuu yiri Gudoomiyaha oo dhanka kale  ka digay Roobab la filaayo.

Dadka ku barakacay wuxuu ku sheegay inay gaarayaan laba milyan iyo sedex boqol,sidoo kale wuxu tilmaamay inay Dowladu gurmad gaarsiisay 11 kun qoys.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMadax Caalamiya iyo Hay’ado soo dhaweeyay ku biirista Somalia ee Ururka Bariga afrika
Next articleMadaxweyne Xasan “sanadkaan 5 himilo uu dalkeenu lahaa guulo ayaan ka gaarnay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here