MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar k dhaw dhaw dhanka Dowlada oo aad isu soo taraya kaasoo sheegaya in Madaxweyne Xasan iyo Ra’isulwasaare Xamza ay usoo jeesteen si degdeg ah in loo dhiso maamulka Jubaland-ta cusub oo xaruntiisu noqoneyso Magaalada Garbahaareey ee caasimada Gobolka Geddo.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Dowladu durba gudi u saartay dhismaha maamulkaasi inkastoo faafin rasmi ah aysan Dowladu sameyn waxaase cadeeyay qorshahaan C/rashiid janan mar uu shalay ka hallayay Magaalada Balad-xaawo kulan uu bulshada deegaanka la yeeashay.
Gudoomiyaha Gudiga waxay Dowladu ka dhigtay Ra’iisulwasaare xigeenka labaad ee Dowlada Jabriil Cabdirashiid halka xubno ay ka yihiin wasiiro u badan beesha Daarood kuwa ku matala Dowalda sida Wasiirka Amniga Fartaag iyo wasiirka arimaha gudaha Cali Xoosh.
Sidoo kale Xoaha aan heleyno ayaa sheegaya inuu jiro walaaca ku saabsan cida madaxweynaha laga dhigayo iyadoo wararka ugu xooggan ay sheegayaan in siyaasi Beesha Mareexaana ah uu noqon karo madaama Gobolka ay yaga u badan yihiin islamarkaana ay awalna Madaxweyne xigeen ka ahaayeen Maamulka Jubaland.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
