WAR-SAXAAFADEED
Ciidanka Qaranka ee ka hawlgala gobolka Gedo ayaa iska caabiyay weerar ay kusoo qaadeen maleeshiyaad ka amar qaata eedaysane Axmed Madoobe. Aroornimadii hore ee saaka ayaa maleeshiyaad ka amar qaata eedaysane Axmed Madoobe, uuna hoggaaminayay Maxamuud Sayid Aadan, waxa ay weerar gardarro ah kusoo qaadeen fariisimada Ciidamada Qaranka ee duleedka degmada Beledxaawo.
Ciidamada Qalabka Sida ayaa si guul ah isaga caabiyay weerarkii, waxayna kala eryeen maleeshiyaadka, iyagoo gacanta ku dhigay toban ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday. Ciidanku waxay sidoo kale si buuxda ula wareegeen goobaha weerarka laga soo abaabulay.
Intii lagu guda jiray hawlgalka difaaca, waxaa ku shahiiday laba ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka: Laba-xiddigle Maxamed Xasan Guutaale iyo Dable Cali Muxumed Gooni. Waxaan Eebbe uga baryaynaa inuu shahiidnimadooda ka aqbalo. Saddex askari oo kale ayaa ku dhaawacmay, waxaana hadda lagu dabiibayaa xarumo caafimaad.
Hadda, xaaladda deegaanku waa mid deggan, waxaana Ciidanka Qaranku ay si buuxda ugu hawlan yihiin xaqiijinta amniga, ilaalinta xasilloonida, iyo badbaadinta shacabka ku nool gobolka Gedo.
Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay si adag u cambaareynaysaa ficillada gurracan ee ay ku kaceen maleeshiyaadkaas. Waxay sidoo kale bogaadinaysaa Ciidanka Xoogga Dalka sida xirfadda iyo geesinimada leh ee ay u fashiliyeen isku dayga lagu carqaladeynayay amniga iyo midnimada dalka.
Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay si cad ugu digaysaa maleeshiyaadka uu qalday Axmed Madoobe inay hubka dhigaan, isku soo dhiibaan, kana waantoobaan ka qaybqaadashada falalka lagu beegsanayo jiritaanka qarankooda. Waxaan sidoo kale shacabka gobolka Gedo ugu baaqaynaa inay garab istaagaan Ciidanka Qaranka iyo taliyayaashooda si looga hortago khatar kasta oo ku soo fool leh amniga dalka.

