Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Dagaal culus oo u dhexeeyey Ciidanka xoogga dalka, xoogagga deegaanka iyo daraawiishta Galmudug oo iskaashanaya iyo Maleyshiyaadka Maafiyada ah ee Khawaarijta dagaalkaas oo ka dhacay deegaanka jeexjeexa oo hoostaga Magaalada Caad ee Koofurta Gobolka Mudug.

Dagaalka oo saacado badan socda ayaa soo gaaray caawa gabal dhicii waxaana Jab xoogleh lagu gaarsiiyey Maleeshiyaadkii Khawaarijta ee deegaankaas gabaadka ka dhiganayey iyadoo Maleyshiyaad iyo Horjoogeyaal badan looga dilay dagaalka sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha howlgalka hoggaamineysay.

Advertisement

Saaka ayaa Ciidanka xooggu dagaal culus ku qaadeen goobo cadowgu isku aruuursanayay waxaana la burburiyey xarumihii cadowga, ciidamada ayaa hadda dhinacyada ka fadhiya Magaalada Caad halkaas oo qorshuhu yahay in dhawaan laga xoreeyo cadowga.

=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=

Previous articleQarax goor dhaw lagu dilay mid ka mida shaqaalaha Hormuud.
Next articleMaxkamada Ciidamada ee Baydhabo oo Maanta dil toogasho ku fulisay askari hor u diley ardey 17 jir ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here