HomeWarkiiDowlada oo war ka soo saartay Duqeymo xalay Alshabaab lagula eegtay Gobolka...

Dowlada oo war ka soo saartay Duqeymo xalay Alshabaab lagula eegtay Gobolka Sh.dexe

WAR-SAXAAFADEED
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay Khawaarijta argagixisada Al-Shabaab ka abaabuli jireen falal argagixiso, gaar ahaan qaraxyada lagu waxyeelleeyo shacabka. Howlgalkaas waxaa lagu dilay 17 dhagarqabe oo ka tirsanaa argagixisada.
Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba la burburiyay hub iyo gaadiid ay kooxdu u adeegsan jirtay falalkooda gurracan.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan go’aankooda ah in ay sii wadaan howlgalada qorsheysan ee lagu ciribtirayo argagixisada Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.May be an image of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -