𝗪𝗮𝗿-𝗦𝗮𝘅𝗮𝗮𝗳𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱
𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟮𝟮, 𝗗𝗶𝘀𝗲𝗲𝗺𝗯𝗮𝗿, 𝟮𝟬𝟮𝟱- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii December 2025, fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada ee Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee hoostaga Xawaadley, gobolka Shabeelle Dhexe.
Howlgalkan waxaa lagu dilay ku dhawaad 15 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka iyo abaabulka falal argagixiso.
Dhagarqabayaasha lagu dilay howlgalka waxaa ka mid ah:
- Jacfar Aadan – Horjoogihii Khawaarijta deegaanka Jabad Godane.
- Cabdirisaaq Cali – Oo qaabilsanaa daweynta Khawaarijta.
- Daa’uud – Horjoogaha qeyb ka mid ah maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanayay deegaanka.
Howlgalkan ayaa si weyn u wiiqay awooddii kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, abaabulka, iyo saadka. Tani waa qayb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee Cidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku ciribtirayo khatarta argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha dhammaan deegaannada dalka.
> 𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗<

