HomeWarkiiDowlada oo war ka soo saartay shaqadii uu qabtay markabka shidaal baarista...

Dowlada oo war ka soo saartay shaqadii uu qabtay markabka shidaal baarista Turkiga

Muqdisho, Axad, Juun 15, 2025:
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u shaacinaysaa dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka iyo macdanta ee lagu sameeyay qaar kamid ah xeebaha badda Soomaaliya taas oo lagu xaqiijiyay in khayraadkaas looga faa’iidaysan doono si hufan, cadaalad ah, waxtarna u leh koboca dhaqaalaha dalka iyo bararaha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed.
Sidaa daraadeed, iyada oo gudanaysa xilka sharci, kuna shaqaynaysa siyaasadda Xukuumadda Dan Qaran, Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta waxay heshiisyo wax soo saar wadaag ah la gashay Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO) taas oo baaritaan iyo sahamin shidaal ka billawday badda Soomaaliya 21-dii Oktoobar 2024 iyadoo baaritaan kaas uu fuliyey markabka Oruç Reis Seismic Research Vessel.
Baaritaankaa iyo sahminta shidaalka ayaa ahaa mid socday 234 cisho iyadoo Shirkadda Turkish Petroleum ka ururisay xog badan oo ku saabsan xeebaha Soomaaliya xog shidaal kuwaas oo la darsi doono si loo ogaado celesha iyo tirada shidaal ee ku jira goobihii sahminta lagu sameeyay.
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Juun 2025 si rasmi ah u shaacinaysaa dhammaaday wajigii koowaad ee sahminta shidaalka ee ay wadeen Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO). Wasaaraddu waxay shacabka Soomaaliyeed la soo wadaagi doontaa natiijada xigta oo la aruuriyey marka ugu horeysa ee xog sax ah soo baxdo.
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS waxay uga mahadcelinaysaa dhigeeda Wasaaradda Tamarta ee Turkiga wada shaqaynta iyo is-kaashi wanaagga ee u dhexeeya labada Wasaaradood ka oo fududeeyey in wax sahamin u qabsanomd sidii loo ogaan lahaa muddadii ay socotay hawlaha baarista iyo sahminta shidaalka.
Wasaaraddu waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xassan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre kaalintoodii hoggaamineed ee la addin soo saarta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka shidaalka dalka.
Ugu dambeyntii, Wasaaraddu waxay ugu bishaaraynaysaa Ummadda Soomaaliyeed in dalkennu uu socdo dhabbaha horumarka iyadoo la raacayo hufnaan iyo cadaalad.
May be an image of ‎text that says "‎Xukuumadda Federaalka القبدرالمة الحكومة المعدنية والثروة البزول saarista khayraadka batroolka 2025: Wasaaradda Batroolka yahay iyo shacbiga Soomaaliyeed. Xukuumadda ah, iyadda maaraynta Federaalka Soomaaliyas dhaqaalaha gashay xilkaa kuna Research Vessel. Baaritaanka soosaar Dan gunta shidaal ayaa ahaa mid socday 234 cisho iyadoo kuwaas goobihi rasmi Turkish doontaa natiija xogta darsi doono loo wejigii aruuriyey marka horeysa maanta tahay sahminta shidaalka lasoo socotay Macdanta fududeeyey walbaahi baarista sahminta shidaalka. Wasaaraddu waxay mahadcelinaysaa dhiggeeda wanaagsan labadda qorsheeyey shidaal mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo khayraadka dambayntii, ugu gaaari lahaa barwaaqo Ummada Soomaliy isku filnaansho dhaqaale. dalkecnu socdo #DHAMAAD#‎"‎
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -