HomeWarkiiDowlada oo war ka soo saartyay howlgal ka dhan ah Alshabaab oo...

Dowlada oo war ka soo saartyay howlgal ka dhan ah Alshabaab oo laga fuliyay deegaan hoos taga Tooratoorow

WAR-SAXAAFADEED
Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka fuliyey deegaanka Towfiiq ee hoos taga degmada Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan waxaa lagu soo qabtay labo dhagar-qabe oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta argagixisada, kuwaas oo ku howlanaa baad iyo dhibaateynta shacabka deegaanka.
Mid ka mid ah dhagar-qabayaashan, oo lagu magacaabo Sakariye, ayaa baaritaan kadib lagu ogaaday inuu yahay wiil uu dhalay Macallin Cabdirahmaan, oo ka mid ah horjoogayaasha Khawaarijta ee ay Ciidamada Qaranku ku raad joogaan.
Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay mooto ay argagixisadu u adeegsan jireen gaadiid ahaan, hub iyo agab kale oo muujinaya maleegidda falal argagixiso oo ka dhan ah dadka rayidka ah.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo canaasirta Khawaarijta, laguna xaqiijinayo nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

May be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -