ADAN-YABAL (DAYNIILE.COM)-Dowlada oo warar dheeraad ah ka soo saartyay weerarkii Aadan Yabaal ayaa shaacisay in lagu burburiyay gaadiid qaraxyo lagu diyaarinayay kadib markii ay ku habsadeen gantaaladii duqeymaha.
Sidoo kale wararka Dowladu soo saartay weaxay ku shaacisay in duqeyntaan Alshabaab loogu geystay Aadan-Yabaal in lagu bururiyay gaadiid dagaal oo kooxda Alshabaab ay lahaayeen iyo sidoo kale goob keyd hub u ahaa.
Duqeymaha oo si gara ah ugu dhacay goobo Xarumaha Alshabaab sida Dowaladu sheehtay ayaa sidoo kale waxaa Dowladu xustay in meelaha la beegsaday ay ka mid yihiin godad dhufeysyo u ahaa dagaalamayaasha Alshabaab oo duqeymaha lagu burburiyay.
Dhawaan ayay ahayd markii diyaaradaha dagaalka Saaxiibada Dowlada sida Mareykanka ay duqeeen Magaalada Aadan Yabaal oo bishii April gashay gacanta kooxda Alshabaab markii ay gacan ka heleen sirdoonka Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
