HomeWarkiiDowlada oo warsaxaafadeed ka soo saartay Howlgal Alshabaab badan lagu laayay Gobolka...

Dowlada oo warsaxaafadeed ka soo saartay Howlgal Alshabaab badan lagu laayay Gobolka Sh.hoose

WAR-SAXAAFADEED
Muqdisho, 08 Juun, 2025: Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ka fuliyay tuulada Gaalware oo 4 km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkan ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 25 ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, oo ay ku jireen saddex horjoogayaal sare.
Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan oo ay Khawaarijtu adeegsanayeen, oo ay kamid yihiin; lix qori oo nooca PKM ah, labo RPG iyo 17 AK-47, waxaana halkaas lagu burburiyey dhagartii ay abaabulayeen kooxdaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa had iyo goor ka go’an ciribtirka Khawaarijta iyo sugidda amniga guud ee dalka, iyada oo kaashaneysa Ciidanka Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeed.
=DHAMMAAD=May be an image of ‎text that says "‎الفدرالية الصوما Ciidanka Xoogga Dalka ayaa 25 Khawaarij ah ku dilay hawlgal dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Muqdisho, Dalka Soomaaliyeed Juun, 2025: Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga hawlgal ka fuliyay tuulada Gaalware km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid gobolka Shabeellaha Hoose. iyo Caanoole Hawlgalkan ayaa Khawaarijta lagu khaarijiyay in badan ka tirsanaa saddex horjoogayaal Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta Khawaarijtu adeegsanayeen. PKM, labo RPG AK-47 ah, dhigay dhagartii badan qori oo kamid yihiin; halkaas lagu burburiyey abaabulayeen kooxdaas. nooca had Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ciribtirka Khawaarijta iyo sugidda amniga guud dalka, kaashaneysa Ciidanka Qalabka iyo shacabka Soomaaliyeed. go'an DHAMMAAD-‎"‎
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -