HomeWarkiiDowlada oo warsaxaafadeed ka soo saartay howlgal ka dhan ah Alshabaab oo...

Dowlada oo warsaxaafadeed ka soo saartay howlgal ka dhan ah Alshabaab oo macawisleydu ka fuliyeen duleedka Xarardheere

Muqdisho, 18, Noveembar, 2025 – Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay fuliyay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, kaasi oo si toos ah loogu beegsaday maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsan oo ku dhuumaaleysanayay tuulada Dumaaye ee gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa lagu dilay 6 maleeshiyaad ah, waxaana gacanta lagu soo dhigay hub iyo saanad ay argagixisadu ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah. Hubka laga soo furtay cadawga, waxaa ka mid ahaa afar qori oo nooca AK-47 ah iyo agab ciidan oo kale.

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fashiliyey weerar naf-la-caari ah oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qaadeen deegaanka Dabagalo, oo qiyaastii 35 KM dhanka Waqooyi-Galbeed ka xiga Xarardheere. Ciidanku waxay ka hortageen qorshaha cadowgu soo maleegay ee lagu doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada deegaanka.

Dhanka kale, howlgal kale oo ka dhacay wadad isku xirta Garasweyne iyo Moragabey oo 37 km dhanka galbeed uga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa lagu beegsaday koox kale oo Khawaarij ah. Howlgalkaas waxaa lagu dilay 5 dhagar-qabe oo tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah, waxayna ciidamada ay gacanta ku dhigeen 2 qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale.

Magacyada horjoogayaasha la dilay waxaa ka mid ah:

Ibraahim Caliyow Maxamed Macalin

Aadan Maxamed Same

Cabdullaahi Aadan Dheere

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan dadaallada joogtada ah ee CXD iyo ciidamada Macaawisleyda ee lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha argagixisada, waxayna mar kale caddeynayaan inay sii socon doonaan howlgallada lagula dagaallamayo Khawaarijta illaa CXD ay xaqiijiyaan in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan ammaan buuxa iyo xasillooni waarta.

May be an image of map and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -