HomeWarkiiDowlada oo Warsaxaafadeed ka soo saartay Midabka saxda ah ee Calanka Somalia...

Dowlada oo Warsaxaafadeed ka soo saartay Midabka saxda ah ee Calanka Somalia iyo Heesta calanka

WARSAXAAFADEED: Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD) Avv. Burhaan Aadan Cumar, asagoo tixraacaya waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga kuna xusan Cutubka 15-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2026), isla markaana arkay in calanka iyo astaanta qaranka loo isticmaalo midabo kale duwan oo khaldan, laguna wareeray midka saxda, ayuu soo saaray warsaxaafadeedkan:
(1) Dhammaan Hay’adaha Dawladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo adeegsanaysa Calanka iyo Asataanta Qaranka waa inay isticmaalaan midabka rasmiga ah ee ku xusan Jadwalka Koowaad (A) iyo Jadwalka Koowaad (B) ee Dastuurka JFS, ayadoo midabka buluugga ah ee Calanka iyo Astaantu uu yahay (Hex Code: #B5D7F1– RGB (Red, Green, Blue): (181, 215, 241).
(2) Sidoo kale, Heesta Qaranka Soomaaliya ee rasmiga ah oo dhammaystiran waa midda ku qoran Jadwalka Koowaad (C) ee Dastuurka JFS.
(3) Hay’addii ama masuuliyiintii si khaldan u adeegsada Calanka, Astaanta iyo Heesta Qaranka waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo waafaqsan xeerarka dalka.
(4) Dhammaan xafiisyada dawladda ee heer federaal iyo heer dawlad goboleed waa inay adeegsadaan calanka, waana in la dhigaa xarumaha dawladda.
May be an image of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -