Muqdisho, 21 December 2023: Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay horjooge Khaliif Daa’uud oo Khawaarijtu dhexdeeda looga yaqaan Macalin Ayman

Hawlgalkan oo dhacay 17-kii bishaan December, waxaa uu ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Advertisement

Horjoogaha la dilay Macalin Ayman wuxuu ahaa dhagarqabe abaabulay weeraro argagixisadu ka geysteen gudaha dalka iyo dalalka dariska, dilkiisuna waa qodax kale oo ka siibantay dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa waxaa ka go’an beegsiga horjoogayaasha argagixisada iyo maleeshiyaadka haraadiga ku ah kooxaha Khawaarijta.

Dowladda waxa ay markale ku celinaysaa in horjoogayaasha iyo maleeshiyaad la qalday in ay fursad u haystaan in ay isku soo dhiibaan dowladda dibna dadkooda uga mid noqdaan si ay naftooda uga badbaadsadaan hawlgalka Ciidanka Qaranka, geesiyaasha deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Previous articleShirka Ansixinta qorshaha istiraatiijiyadda oo
Next articleXOG: Kulankii Madaxweyne Xasan Sheikh iyo madaxda mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here