DOXA (DAYNIILE.COM)-Bayaan uu soo saaray, Majed al-Ansari, oo ah Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, ayaa sheegay in waddanku si adag u cambaareynayo weerarka kaga yimid Israa’iil kaasoo lagu bartilmaameedsaday saraakiil Xamaas ka tirsan.
Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar wuxuu sheegay in lagu qaaday dhismayaal la deggan yahay oo ay deggan yihiin xubno badan oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xamaas.
“Weerarkan wuxuu ka dhigan yahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka caalamiga ah, wuxuuna khatar weyn ku yahay ammaanka iyo badbaadada Qatar iyo dadka deggan Qatar,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dowladda Qatar oo si adag uga hadashay waxay xaqiijineysaa inaysan u dulqaadan doonin hab-dhaqankan aan ka fiirsiga lahayn ee Israel iyo faragelinta joogtada ah ee ay ku hayso amniga gobolka, iyo sidoo kale tallaabo kasta oo lagu beegsanayo ammaankeeda iyo madax-bannaanideeda.
“baaritaanno ayaa ku socda heerkii ugu sarreeyay, faahfaahin dheeraad ah ayaa lagu dhawaaqi doonaa isla marka la helo.” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay afhayeenka
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
