Dowladda Qatar oo afartii sano ee la soo dhaafay taageereysay Farmaajo iyadoo u wakiilatay Fahad Yaasiin ayaa hadda ka walaacsan kiiska Ikraan Tahliil oo ka soo bilowday NISA kaa oo laga cabsi qabo in saraakiil katirsan madaxtooyada uu ku soo dhamaado.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay iney maalaayiin Dollar ku bixineyso sidii kiiskan loo dabooli lahaa waxaana go’aankaas aqbalay Farmaajo oo qoyska gabadha ka dalbaday iney diyo kabadan mid gabar ay qaataan balse aabaha dhalay Ikraan ayaa sheegay in xitaa aysan qaadan doonin Balaayiin Doller.

Qatar ayaa u aragta in kiiska Ikraan uu bohol ku ridayo dowladda ay taageereysay islamarkaana ay dooneysay in markale ay garab istaagto si uu u soo laabto Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here