Dowlada Ruushka oo ka mida Dowladaha awooda ku leh Golaha amaanka Qaramada Midoobe ayaa Soomaaliya u soo dirtay markab raashin ah.

Markabkaan oo sida Qamadi aad u badan ayaa lagu wadaa inuu soo gaaro  Dekada Muqdisho maalmaha soo socda halkaasoo si rasmi ah loogu wareejin doona masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya.

Advertisement

Safiirka Ruushka u fadhiya Jabuuti ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho madaama Soomaaliya uusan safiir u joogin ruushka, Safiirkaan ayaa u yimid Muqdisho sidii uu masuuliyiinta Dowlada ugu wareejin lahaa markabkaan sida raashinka qamadiga ah.

Dowlada Ruushka ayaa dhawaan shaacisay inay dalalka Afrika siin doonto mucaawino qamadi ah madaama dalkaasi aad looga soo saaro qamadiga,Soomaaliyana waxay ka mid noqotay dalalka ay qorshaha ku dareen.

Talaabada Dowlada Ruushka ayaa imaneysa xili gurmad loo fidanayo kumanaan qoys Soomaaliyeed ah oo ka barakacay guryahoodii kadib roobab daadad wata iyo fatahaado harqiyay xaafadahoodii.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo Maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo
Next articleDowlada Kenya oo digniin cusub ka soo saartay roobab wata duufaano oo ku wajahan dhanka Soomaalida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here