Dowlada Shiinaha ayaa dil ku xukuntay Qoraa u dhashay Dalka Australia kaaso lagu magacaabo Yang Hengjun.

Advertisement

Qoraaga waxaa lagu eedeeyay basaas inuu yahay isagoona xirnaaa mudo 5 sano ah inkastoo uu beeniyay sidoo kalana  dowlada Australia ayaa eedaas beenisay.

Qoraaga reer Australia  oo lagu xiray Shiinaha eedeymo basaasnimo 2019, ayaa maxkamad ku taal magaalada Beijing hada  ku xukuntay xukun dil ah oo la hakiyay.

Shuruudaha xukunku waxay ka dhigan yihiin in Yang xukunkiisa loo bedeli karo xabsi daa’im.

Dowladda Australia aad ayay uga naxsan tahay natiijadan, ”

Wasiirka arrimaha dibadda Australia haweeneyyda lagu magacaajo Penny Wong ayaa u sheegtay warfidiyeenka inay arintaan uga jawaabi doonaan sida ugu adag islamarkaana u yeeran doonaan safiirkooda u fadhiya dalka Shiinaha.

“Waxaan rabaa in aan qiro dhibaatada ba’an ee Dr Yang iyo qoyskiisu ay maanta dareemi doonaan, taasoo imanaysa sannado badan oo hubaal la’aan ah,” ayay tiri Penny Wong

Yang Penny Wong Waa  58 jir wax ku qora blogger isla markaana u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda, waxaa la xiray Janaayo 2019 markii uu yimid garoonka diyaaradaha ee Guangzhou isaga iyo xaaskiisa.

Yang wuxuu asal ahaan u dhashay dalka Shiinaha balse wuxuu heysta dhalashada dalka Australia.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMaxaa kulanka Baarlamaanka isha loogu wada hayaa?
Next articleDAAWO: Maxaa ka jira in Ciidamada Dowladu ka soo baxeen Ceeldheer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here