HomeWarkiiDowlada Shiinaha oo ka hadashay dagaalka ka dhex qarxay Iran iyo Mareykanka

Dowlada Shiinaha oo ka hadashay dagaalka ka dhex qarxay Iran iyo Mareykanka

War ka soo baxay Saaka Dowlada Shiinaha ayaa looga hadlay xiisada dagaal ee ka soo cuboonaatay bariga dhexe xili maalmihii ugu danbeeyay uu jiray heshiis xabad joojin ah oo u dhexeeyay quwadaha waa weyn ee Iran iyo Mareykanka.

Dowlada Shiinaha waxay ku eedeysay Mareykanka iyo Iran inay dib u  bilaabida dagaalo aan loo baahneyn iyo jabinta xabad joojinta,Shiinaha wuxuu soo jeediyay in miiska wada hadalka lagu soo laabto islamarkana khilaafka cusub wada jir u xalistaan

Dowlada Qatar marar badan dhexdhexaadisay Mareykanka iyo Iran ayaa iyagana dhankooda waxay ku baaqeen la qaboojiyo xiisadda u dhexeysa labada dal.

Mareykanka ayaa shalay ku eedeeyay Iran inay weerareen maraakib siday shidaal kuwaasoo mareysay marin biyoodka Hormuz taasoo ugu danbeynta kentay inay lbada dal midba kan kale ku eedeeyo inuu jabiyay heshiiska.

Saaka labada dhinacba waxay qaadeen weeraro xaga cirka ah oo mid kasta kan kale ugu jawaabayay xili ay u muuqato in arintu sii xumaaneyso hadii aan degdeg labada dal loo kala dhex gelin.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -