MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Afhayeenka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay hadal dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Crro kaasoo uu ku taageerayay in Taiwan tahay dal ka madax banaan Shiinaha.
Masuulkaan u hadlay Shiinaha wuxuu sheegay in hadalada Hogaamiyaha Maamulka Somaliland ee ku aaddan Taiwan uu si cad u wiiqay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Shiinaha.
“waxaana si adag u canbaareyneyna talaabada uu qaaday Hogaamiyaha Maamulka Somaliland,Shiinuhu, mabda’eena waa hal wadan waana mid uu aqoonsan yahay xiriirka caalamiga” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Safaarada Shiinaha ee Somalia
Safaaradda ayaa sidoo kale ka digtay in laga gudbo waxa ay ugu yeertay khadka cas ee Shiinaha taasoo ku aaddan Taiwan, Shiinaha wuxuu sidoo kale ka digay hadalada nuucaan ahi ay yeelan doonto cawaaqib xun.
Dhanka kale Safaarada Shiinuhu waxay adkeysay
taageerada ay u hayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

