HomeWarkiiDowlada Shiinaha oo ka hadashay sababta uu Wasiirkooda arimaha dibada uga baaqday...

Dowlada Shiinaha oo ka hadashay sababta uu Wasiirkooda arimaha dibada uga baaqday saarkii uu Muqdisho ku iman lahaa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Danjiraha Dalka Shiinaha ee Somalia oo Muqdisho ka howlgala ayaa ka hadlay sababtii uu shalay Wasiirka arimaha dibada dalkoodu uga u baaqday socdaal uu ku iman lahaa Magaalada Muqdisho xili wadooyinka Magaalada inta badan loo xanibay saacado badan balse markii danbe la iska furey markii uu iman waayay.

Safiirka Shiinaha wuxuu sheegay inay wax ka badaleen jadwalka baaqashada Wasiirkooda uu ku iman lahaa Magaalada inkastoo uusan xusin waqtiga ay u badaleen,wuxuu si weyn u beeniyay warar uu shalay faafiyay maamulka Somaliland oo sheegayay inuu u baaqday cabsi uu ka qabay amnigiisa.

Safiirka Shiinaha u jawaabayay Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Somaliland Khadar Huseenn Cabdi ayaa u sheegay in  Wax kasta oo ay samayaan reer Somaliland xaqiiqada aysan waxba ka beddeli karin oo kaliya Somaliland  tahay qayb ka tirsan Soomaaliya.

Sarkaalkaan u hadlay Shiinaha wuxuu adeegsaday ereyo aad u adag taasoo  si weyn baraha bulshada u qabsatay xili maalmihii ugu danbeeyay ay reer Somaliland u da baal dagayeen aqoonsi beeneedkii Israa’iil.

May be an image of text

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -