Beijin (dayniiile.com)-Wasiirka arimaha dibada Dalka Shiinaha Wang Yi ayaa ka hadlay xaalada ka taagan bariga dhexe iyo dagaalada u dhexeeya Xamaas iyo Isra’iil.

Wang Yi wuxuu warbaahinta u sheegay in Dal kasta xaq u leeyahay inuu is difaaco isagoo ula jeeday weerarka Yuhuudu ku heyso shacabka Falastiin inay tahay is difaacid balse uu si boor isku qarisa u raaciyay in shacabka la ilaaliyo .

Advertisement

Wang Yi mar uu sii watay hadaladiisa boor isku qariska ah oo uu dhex dhexaadka iska dhigaayo ayuu u sheegay dhigiisa Israa’iil in Shiinaha uu aad uga xun yahay tirada badan ee dadka rayidka ah kuwaasoo ku dhimanaya dagaalka Xamaas iyo Isra’iil.

Wasiirka arimaha dibada Chine Wang Yi  wuxuuna ku booriyay dhisiiga Yuhuuda Eli Cohen tallaabooyin looga hortagayo inay sii kordhaan dagaalada iyo in la helo nabad waarta.

“waddan kasta xaq ayuu u leeyahay inuu is difaaco, laakiin waa inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada ayna ilaaliyaan badbaadada rayidka”ayuu yiri Wasiirka arimaha dibada Shiinaha xili uu isku diyaarinayo  booqasho uu ku tago dalka mareykanka todobaadkaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleXamaas oo Caawa sii deysay Laba ka mida Maxaabiista Yuhuuda
Next articleXamaas oo Cashir u dhigtay ciidamo Israa’iil ah oo isku dayay inay soo furtaan maxaabiista laga hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here