Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arimaha dibada Cali Balcad ayaa warbaahinta u sheegay inaaney waxba ka jirin wararka sheegaya in Dowlada Somalia xiriir diblomaasiyadeed la leedahay Israa’iil kadib markii dhawaan masuuliyiin Israa’iil sidaasi shaaciyeen.
Cali Balcad ayaa si weyn u beeniyay jiritaanka warkaasi oo ka soo yeeray Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada Israa’iil xili warbaahinta dunida inta badan ay shaaciyeen,
“Wali mowqika Dowlada Somalia waxba iskama badalin marka la eego dhanka Israa’iil waana waxba kama jiraan warka dhankooda ka soo yeeray” ayuu yiri Cali Cali Balcad
Asbuucii hore ayay ahayd markii Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada Israa’iil uu sheegay in Somalia ay la leeyihiin xiriir salka ku haya ka hor taga khataraha kooxda Islaamiyiinta xuutiyiinta Yemen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
