Dowlada Mareykanka ayaa wali baad goob waxay ugu jirtaa laba askari oo ka mid ahaa ciidamada Badda Mareykanka kuwaasoo dhawaan la wayay xili ay howlgal ka wadeen badda Cas ee Soomaaliya.

Labada bad maax ee ka mida askarta Mareykanka waxay la sheegay inay ka dhaceen doomaha yar yar ee ciidamada xili ay rabeen inay ku tilaabsadaan markab weyn oo ah nuuca dagaalka oo isla ciidamada Mareykanku wateen.

Advertisement

Madaama Labada badmaax lagu waayay Badda Somalia ayaa waxaa ka hadlay Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Dowlada Somalia waxay sheegtay in Mareynku la soo xiriiray kuna war geliyay labada bad-maax ee ay waayeen.

Sidoo kale dawlad goboleedka Puntland ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin hadii loo baahdo in ay xeebaha baadi goob ka sameyn karaan balse aysan awoodin inay guitar hoose ka raadiyaan.

“Gunta biyaha kama raadin karno maxaa yeelay ma heysano qalabka loo adeegsado”ayaa lagu yiri warka Puntlqnd ka soo baxay.

XAFIISkA WARARKA

DAYNIILE.COM

navy

Previous articleHogaamiyaha Xamaas oo Doxa ugu tagay una tacsiyeeyay Sheekh Cabdirishiid Cali Suufi,
Next articleMaxaad kala socotaa Geerida Gabar reer Geddo ah iyo sheekada ku gadaaman

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here