Muqdisho (dayniiile.com)-Waxaa Magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyay qorshayal hore ATMIS uga soo fulisay qaar ka mida Maamul Goboleedyada kaasoo ay ku sheegeen siminaaro Haweenka Soomaliyeed lagu baraayo waxa ay ku sheegeen xuquuqda jinsiga.
Warbixin ay soo dhigeen baraha bulshada ATMIS ayay ku shaaciyeen in Kooxda Ilaalinta, Xuquuqul Insaanka iyo Jinsiga ee ATMIS ay Muqdisho ka fureen tabobar socon doona muddo afar maalmood kaasoo loo qabtay Saraakiisha haweenka ee ka tirsan ciidamada Booliiska iyo Milatariga Soomaaliya.
Waxyaabaha la bari doono waxay ku sheegeen xuquuqul insaanka doonaa ilaalinta rayidka, sinnaanta jinsiga, ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata & booliska bulshada.
Dhamaan waxyaabahaas ay leeyihiin waan bareynaa kuli ma jiro mid aan inagu u min-guurinay waana sidey iyagu soo qoreen.
Hadaba akhriste fariintaan gaarsii hadaad awood u leedahay ugu yaraan Taliyaha Booliiska Soomaaliya Jen.Sulub iyo Taliyaha Milatariga bal inay wax ka ogyahay mashruucaan si qaladaaddka jira meesha looga saaro.
Tusaalle hadiiba wax sharciga islaamka ku banaan Gabdhaheena la baraayo waxaan leenahay saraakiil Ciidan oo aqoon diimeed iyo mid maadiba isku yaqaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM