Wararka Soomaaliya looga hadal heynta badan yahay ayaa kala ah heshiiska u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubaland iyo arimaha dhulka Dowlada ee shacabka Muqdisho laga saarayo taasoo cabasho badan ay ka dhalatay.
Dowlada Somalia oo la ogyahay dagaalka ay la gashay Maamulka Jubaland oo dhimasho iyo dhaawacba badan uu ka dhashay xili ilaa hada Gobolka Gedo ay isku hor adhiyaan deegaanada qaar ciidamada labada dhinac.
Hadaba waxaa is weydiin mudan Dowlada Somalia maxay ku badalatay inay mar kale dib u aqoosato Axmed Madoobe oo ay hore u sheegtay in doorasho sharci daro ah uu isku magacaabay islamarkaana aysan aqoonsaneyn.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Dowladu ku badalatay aqoonsiga Axmed Madoobe in doorashada Golaha deegaanka ee qo iyo cod ah lagu qabto deegaanada Maamulka Jubaland halka Maamulka Jubaland iyaguna ku badasheen heshiiska in Dowladu aqoonsato Axmed Madoobe.
XAFIISKAÂ WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
