HomeWarkiiDowlada Somalia oo beenisay in lagu soo celiyay xildhibaanadii ay u xuleen...

Dowlada Somalia oo beenisay in lagu soo celiyay xildhibaanadii ay u xuleen Ururka Bariga Afrika

ARUSHA (DAYNIILE.COM)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tansaniya Ilyaas Cali Xasan ayaa si weyn u beeniyay warar maanta la isla dhexmarayay oo sheegayay in Maxkamada Carusha ee Dalka Tanzania ay xukuntay in Somalia la laabato xildhibaanadii Dowladu u xushay inay ku matalaan ururka Bariga Afrika.
“Waa waxba kama jiraan warka ah in Maxkamada EACJ ay go’aamisey in dib loo celiyo xubanaha DFS dhowaan soo xushey Baarlamaanka EALA” ayuu yiri Danjire Ilyaas Cali Xasan
Sidoo kale Danjiraha wuxuu carabka ku adkeeyay in Maxkamada dib udhigtey keliya  waqtiga ay soo saareyso go’aanka kama dambeyska ah xukunka dacwada islamarkaana aysan jirin wax xukun ah oo dhacay.
Maxkamada Carusha ayaa laba jeer u fadhiisatay dacwad ay gudbiyeen Siyaasiin iyo xubno ka soo horjeeda hannaanka lagu soo xulay xubnahaasi iyagoo Dowlada ku eedeeyay inay musuq maasuqday habka xulista oo ay dadka ay iyada rabto qorotay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -