HomeWarkiiDowlada Somalia oo cambaareysay weerarkii caawa Iiraan ku qaaday Dalka Qatar

Dowlada Somalia oo cambaareysay weerarkii caawa Iiraan ku qaaday Dalka Qatar

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Dowladda Iran ay ku qaaday Dowladda Qatar, Dowladda Soomaaliya ayaa falkaas ku sifeysay mid si cad ugu xad-gudbay qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana khatar weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si buuxda u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar, waxayna xaqiijineysaa in ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay madaxbannaanida, amniga, iyo wadajirka dhuleed ee Qatar. Soomaaliya waxa ay ku adkaysanaysaa inay ka go’an tahay nidaam caalami ah oo ku salaysan xeerar, kaas oo ku qotoma ixtiraamka madaxbannaanida qaranka, ku xad-gudubka xuduudaha, iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah wadahadal iyo isfahan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay sii deysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku boorisay dhammaan dhinacyada inay is-xakameeyaan, “waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka inay u midoobaan ilaalinta nabadda iyo ixtiraamka dalalka madax-bannaan.“

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -